Somali News

Koox Weerar Ku Qaadi rabtay Masaajido Oo Gacanta Lagu Dhigay.

Xubno ka tirsan kooxaha midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii ay qorsheynayeen inay weeraraan misaajido, siyaasiyiin iyo dadka magangelyo doonka ah, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Xubnahan oo gaarayo ilaa 12 qof ayaa waxay ka tirsan yihiin koox lagu magacaabo Der harte Kern, waxaana xabsiga la dhigay Jimcihii..

Qof kale oo ka tirsanaa kooxdan ayay booliska ku raad joogaan, sida uu ku warramay wargeyska Welt am Sonntag.

Jarmalka waxaa kusoo batay dadka taageero kooxaha midigta fog gaar ahaan waxaa laga taageera deegannada bariga dhaca.

Mas’uuliyiinta Jarmalka waxay wadaan howlgallo lagu raadinayo dadka ka tirsan ururka midigta fog kaddib dilkii loo geystay siyaasi u dhashay dalkaas iyo weerarkii lagu qaaday goob ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda ah sannadkii lasoo dhaafay.

Related posts

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Saacidihii lasoo dhaafay ka dhacay Dagmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay??? War ayaan idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24

COMMUNIQUE ON THE ELECTORAL MODEL FOR 2016

admin

Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey Oo Ku Xayiran Magaalada Muqdisho

admin