Koonfur Galbeed oo sheegtay in Dowladda ay ka dalbadeen Ciidankii Shalay Baydhabo la geeyay

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay iyaga ka codsadeen in Ciidamo Boolis ah ay usoo dirto Baydhabo si ay usii xoojiyaan ammaanka Baydhabo oo Doorasho ay kusoo food leedahay.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamad ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Ciidanka shalay Baydhabo la geeyay ay KG ka codsatay Dowladda Dhexe.

Xildhibaanno u badan mucaarad ayaa isku dayay in dowladda ay ku eedeeyaan ciidankii Baydhabo la geeyay balse tani waxa ay fadeexo ku tahay xubnaha caadeystay wiiqitaanka guulaha dowladda gaartay.