Animation

Khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay Maamulka Ahlusunna iyo Madexweyne Farmaajo iyo Ahlusunna oo digaalki Xeraale ku eedaysay in Dowlada qayb ka aheed.

no responses
Saturday July 22, 2017 - 11:03 under Arimaha Bulshada by nairobi
mqdefault

Warar naga soo gaaraaya Villa Soomaaliya ayaa tibaaxaaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Maamulka Farmaajo iyo Kuwa Ahlusunna ee ka arrimiya Gobaladda Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Xiriir ka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Ahlusunna oo horay u ahaa mid fiican ayaa bilihii udanbeeyay soo xumaanaayay kadib markii Ahlu Sunna ku eedaysay madaxweyne Farmaajo in oo fulin waayay heshiis ay horay ugaleen.

Kilaafkaan ayaa sii xoogaystay kadib markii ay ciidamada Nabad sugida ee Soomaaliya ee NISSA oo fadhigoodu yahay Dowlad Gobaleedka Galmudug ay si toos ah ooga qayb qaateen Dadaalkii Dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Xeraale ee Gobalka Galguduud.

Wada hadal dhanka telephone ka ah ee dhex maray madaxweyne Farmaajo iyo Madexweynaha Maamul Gobaleedka Gobalada Dhexe/Ahlusunna ayaa ku dhamaaday natijo la,aan kadib markii Ahlusunna ku eedeysay Farmaajo in uu maray wadadii Dowladii Xasan Sheikh, asagoo kabaxay balan ay horay uwada digteen.

Hada ka hor ayay aheed markii ay digaala noocaan oo kala ah ka dhaceen Degmooyinka Caabudwaaq, Guriceel iyo Dhuusamareeb kuwaas oo Maamul Gobaladda dhaxe ee Ahlusunna ay ku eedeeyeen Dowladii waqtigaa jirtay.

Maamulka Gobalada dhaxe ee Ahlusunna ayaa sidookale Farmaajo ku eedaysay in uu gacanta u galay ururka Al-ictisaam oo horay loo oran jidhay Al-ixitixaad Al-islami kaas oo xurguf dhanka mabaadiida ah kala dhaxayso Ahlusunna

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday maamulka Ahlusunna in ay wada hadlaan wixii khilaaf iyo tabasha ahna hoos loo dhameeyo.

Xafiiska Wararka
Caabudwaaq Galguduud