Somali News

Kheyrre iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka DF-ka iyo Jubbaland

Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), labada dhinac ayaa ka wada hadlay khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Maamulka Jubbaland sidii xal loogu heli lahaa.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Reysal Wasaare Kheyrre uu dhageestay tabashada Jubbaland ay ka qabto DF-ka Soomaaliya waxaana kadib la sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in khilaafkaas la xaliyo.

Kulankii xalay ayaa ahaa hour-dhaca is afgarad laga gaaro khilaafka Jubbaland iyo u saldhigidda doorasho xor ah oo ka dhacda degaanada Maamulka Jubbaland bisha soo socoto ee Agoosto.

DF-ka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka qabta in ay xal ka gaarto tabashada Jubabaland inkastoo aysan aheyn xaalad fudud waxyaabaha ay isku heestaan labada dhinac ee Jubbaland iyo Dowladda Soomaaliya.

Related posts

TOOS: Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka

admin

DEG DEG: Gaarigii Qaraxa ku xirnaa Oo NISA ay Qabatay oo Goordhaw Qarxay iyo Qasaaro ka dhashay

admin

Madaxweyne Xaaf diyaar u ah in uu la heshiiyo Dowladda Federaalka Balse Codsi u diray Dowladda

admin