Khasnajigii Baarlamaanka Soomalia oo Lagu dilay Magaallada Muqdisho iyo Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka hadlay

0

Dableey bastoolado ku hubeysan maanta waxa ay degmada waabari ku dileen cumar dalxa oo la sheegay in uu ahaa qasnajiga baarlamaanka federaalka soomalia.

Weerarka lagu dilay Cumar Dalxa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay qof kamid ah dad la socday oo gaariga la saarnaay xiliga la tooganaayay.

Guddoomiyaha Golaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Marxuum Cumar Dhalaxow oo maanta gacan ka xaq daran ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

“Allaha ha u naxriisto Cumar wuxuu ahaa wiil dhalinyarro ah oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka maanta ayaa iyadoo uu soomanyahay Waxaa dilay kooxo manaxyaal oo caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo ,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo, Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo, Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.