Khasaara ka Dhashay Dagaal Dhexmarey Ciidamo ka tirsan kuwa Dawladda.

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi, halkaas oo ay bar koontarool ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimadda.

Waxaana la sheegay in ay isku dhaceen Ciidamo kale oo milatari ah oo la socday Gaari Surf ah, kadib markii uu is faham waa soo kala dhexgalay Ciidamadaasi.

Ugu yaraan illaa 3 askari oo labo ka mid ah ay ka tirsanaayeen Ciidamada xasilinta, halka midka kalena uu ahaa milatari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaadkaasi, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dagaalkaasi.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan ku dagaalama gudaha M/ Muqdisho, iyadoona waxyeelo kala duwan ay ka soo gaarto dadka rayidka ah ee aan waxba galabsanin.

Dagaalka Ciidamadaan ayaa ku soo aadaya xili ay xiranyihiin waddooyinka magaaladda muqdisho, kuwaasi oo ay ku suganyihiin ciidamada gaarka ah ee loogu magacdaray Xasilinta.