Animation

Kenya” Waxaan qabanay shabaab na qarxin rabay waxay qorsheeyeen weeraro lagu qaadaayo….”

no responses
Monday June 12, 2017 - 12:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kadib hawlgal ay iska kaashadeen ciidamada sirdoonka Somaliya iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo qabtay lix nin oo lagu tuhmay in ay weeraro ka geysan rabeen gudaha dalka Kenya.

Lixdaan  nin ee la qabtay waxaa ku jiray  labo nin oo  kenyaan  kuwaasi oo qorsheynaayay in ay weeraro xooggan ka geystaan Gudaha Kenya sidaasi waxaa war qoraal ah ku yiri taliyaha Ciidamada booliska Kenya Joseph Boinett.

Howgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Bulla Xaawo iyo sidoo kale Mandera.

Boinett, ayaa sheegay in Abdulahi Daud Adan iyo Ismail Issack  oo labaduba kasoo jeeda Mandera  la rumaysan yahay in ay hogaaminaayeen weerarkaan lagu qaadi rabay Kenya.

Halka afarta kala ee Soomaalida  ah ay kala yihiin Mohammed Ali Weythow, Xassan Aadan Bulle, Xassan Maxamed Jaamac iyo Axmed Muhhamed Muse.

Boinett, ayaa intaa hadalkiisa waxa uu kusii daray in raggaan ay wateen waxyaabaha Qarxa.

Waxa uu sheegay in dhammaan lixdooda hadda ay baaritaano dheer ay ku haayaan ciidamada,islamarkaana dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad ku taalla dalka Kenya.