Somali News

Kenya oo loodoortay Hogaanka Baddaha xilli ay taagantahay dacwada Badda

Iyadoo in muddo ah ay Soomaaliya iyo kenya udhexeyso dacwad laxiriirta muran dhanka Badda ah ayaa dowlada Kenya waxaa loo doortay hoggaanka ururka caalamiga ah ee Badaha kadib shir ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Kenya ayaa wakiil ka ah wadamada dhaca Bariga Africa, sida Burundi, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Somalia, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.

Wasiirka baddaha dalka Kenya ayaa warfarxad leh ku tilmaamtay in dib Kenya loogu doorto hoggaanka ururka caalamiga ah ee Badaha waxayna sheegtay inay qeyb ka noqdeen go’aan ka gaarida arrimaha Badaha ee dhammaan dalalka Caalamka.

Dacwadda Badda ee Kenya iyo Soomaaliya u dhexeysa ayaa in muddo ah taagan ayaa waxa ay haatan hortaallaa Maxkamadda ICJ oo la filayo inay go’aan ka gaarto, si loo soo afjaro xiisada labada dal.

Related posts

Alshabaab oo mar kale ku faantay Dilkii Xildhibaanka Maanta la dilay.

admin

War Cusub: Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka Dhacay Xerada Qaxootiga Dhagaxley ee Dalka Kenya+SAWIRRO

Tifaftiraha K24

XOG: Kenya oo ku dhex milantay Siyaasadda ka Dhexjirta Beelaha Soomaaliyeed “Akhriso Qoraal Cad”

admin