Kenya oo joojisay Dhismihii ay ka waday Xadka ay soomalia la wadaagto ee Magaalada Beled-xaawo

0

Madaxweynayaasha Soomalia iyo kenya Maxamad C/llaahi farmaajo iyo Uhuru kenyatta ayaa waxa ay ka wada hadleen murunka ka taagan xadka labada dal gaar ahaan magaalada beled-xaawo oo dowladda kenya dhul boob baahsan ka wado.

Labada madaxweyne ayaa waxa ay isku afgarteen in la qabto shir heer sare oo xasaasi ah kaasi oo xal loogu raadinaayo muranka ka taagan xadka labada dal.

Shirka wuxuu qabsoomi doona maalinta beri oo talaado ah taariikhduna tahay 27-ka bisha March waxaana madaxweynaha uu u xilsaaray guddi heer sare ah.

Guud ahaan waxaa la joojiyay dhismaha darbiga kenya ka dhiseyso xadka labada dal ka waxaana la filaya in shirka uu ka soo baxo go’aan labada dowladdood ay ku heshiiyeen.

Dowladda kenya waxaa ay mareysa heer aan kala gor gortanno dhulkeena soomaaliyeed iyo baddeena mana jirto cid si dhab ah ay uga go’antahay bad baadinta dhulka iyo badda soomaaliyeed.

Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ku ah gudaha magaalada oo maalmihii u danbeysay ay ka socdeen kacdoon shacab oo lagaga soo horjeeday darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal.