Somali News

Kenya oo Gacanta Ku Dhigtay Nin Bixiyay Digniin Adag

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xireen nin bixiyay digniin laxariirta in weerar laga fulin rabo qeybo kamid ah dalka Kenya gaar ahaan  kuleej kuyaalla koontiga  Nakuru ee dalka Kenya waxaana digniintan uu kusoo qoray bartiisa facebooka isaga oo sheegaya in Alshabaab ay weerar kafulin rabaan kolleej kuyaalla qeybo kamid ah dalka Kenya  sida ay xaqiijiyeen saraakiisha booliska dalka Kenya.

Booliska Kenya gaar ahaan saraakiisha amaanka gobalka Bomet  ayaa bartooda twitterka kusoo qoray sidan “sida aan ku ogaannay baaritaannada iyo dabagalka sirdoonka Kenya  ciidamada booliska waxa ay xireen nin bartiisa facebooka kusoo qoray digniin laxariirta in Alshabaab ay weerar kageysan rabaan kolleej”.

Laamaha sirdoonka Kenya ayaa sheegay In ninkan uu istimaalayay dhowr magac waxaana uu sheegay in magaciisa saxda uu yahay maxamed islamarkaana uu kayimid dalka somalia sida uu isagu sheegay.

Dowladda Kenya ayaa muujineysa feejignaan dheeraad ah waxa ayna kacabsi qabaan laamaha amaanka dowladda Kenya in xubno katirsan Alshabaab ay weeraro kafuliyaan qeybo kamid ah dalka Kenya.

Related posts

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Dib U Heshiisiinta Galmudug.

admin

Cirfo "Galgaduud Waxaa Lagu diley saraakiil Shabaab ah.

admin

Dowlada Kenya oo si jees jees ah uga jawaab celisey Dacwadii uga timid dhanka Xukuumada Somaliya.

admin