Somali News

Kenya Oo Baahisay Magacyada Iyo Sawirada Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Weeraro Qorshaynaya

Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniino cusub oo ku aaddan weeraro ay qorshaynayaan xbno ka tirsan Alshabaab oo ka dhaca gudaha dalka Kenya,waxaana digniino loo diray dadka shacabka ah si ay uga feejignaadaan goobaha bartilmaameedyada nqoon kara iyada oo laga dalbaday in xogaha ay la daagaan hayadaha amniga.

Digniinaha ayaa ku qotomo weeraro ka dhici kara wadamada dhaca geeska Afrca sida Soomaaliya iyo Kenya, si looga baaqsado weeraradaas waxaa dowladda Kenya hegan ay gelisay ciidamada ammaanka waxaana ay baahisay magacyada iyo Sawirada rag ka tirsan Alshabaab oo qorshaynaya fulinta weeraradaas.

Magacyada 3-ruux ee hay’adaha amnigu ay baahiyeen magacyadoda ayaa waxa ay kala yihiin Kyalo Masai, Juma Waziri iyo Salim Mohamed Ahmed,Raggaan la shaaciyay magacyadooda iyo Sawiradooda ayaa Kenya waxa ay ku eedeysan in ay masuul ka ahaayeen weeraro dhiig badan uu ku daatay oo ka dhacay gudaha dalka Kenya sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kalana hay’adaha amaanka ee dalka Kenya ayaa shacabka ka dalbaday wadashaqeyn iyo in ay u soo gudbiyaan shakhsiyaadka ay ka shakiyaan,si kastaba enya ayaa sheegtay in xubnahaan ka tirsan Alshabaab ay halis muuqata ku yihiin amniga guud ee dalka Keenya.

 

Related posts

DAAWO:-MUTAAR ROOBOW OO SIDA MADAXWEYNIHII LOO SOO DHAWEEYAY

Ahmed sudani

Qarax lagu beegsaday Ciidamada Itoobiya +Tirada ku dhimatay – Akhriso

admin

War Cusub: Amarkii Ugu Cuslaa oo la Dul dhigay Saxaafada Madaxa Banaan ee Puntland

Tifaftiraha K24