Animation

Kenya maxay ka tiri go,aanki Barlamaanka Somalia

no responses
Friday November 20, 2015 - 1:06 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love
  1. kenyaWasiirka arrimaha gudaha dowlada Kenya ayaa waxaa uu si adeg uga hadlay go’aankii kasoo yeeray baarlamaanka Soomaaliya ee dalbanayey inay ciidanka Kenya isaga baxaan Soomaaliya.

Joseph Nkaissery, oo ah wasiirka arrimaha gudaha Kenya ayaa mar uu saxaafadda dalkiisa kula hadlayey Nairobi waxaa uu ku tilmaamay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya mid aan laga fiirsan oo aan ka tarjumeyn xaqiiqada ka jirta dalka Soomaaliya.

“Dowlada Kenya waxaa aka go’an inay ka shaqeyso sidii Soomaaliya looga dhaqaajin laha ameesha ay iminka taagan tahay, taasi oo aan naf  iyo maal u hurnay” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Kenya.

Waxaase uu baarlamaanka Soomaaliya uga digay inay iska qaataan wararka been abuurka ah ee la faafinayo, taasi buu yiri dhaawici karta sumcadooda  xildhibaanimo. Waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Xiriirka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ma ahan mid dhawaan bilowday, sidaasi darteed waxaa habboon in laga fiirsado hadalada aan munaasabka aheyn ee ka imaanaya baarlamaanka Soomaaliya, waana inay iska hubiyaan waxa la sheegayo”

 

Dowlada Kenya oo horey ugu dhiiratay inay gudaha usoo gasho dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay iminka mareysaa xilligi ay baarlamaan dhan dalkiisa ay kula dhex muranto, iyaddoo waliba u muuqata mid goodineysa. Waxaana sidaasi qaba siyaasiga Maxamed Ali Nuur oo ka mid ah siyaasiyiinta Jubbaland ee ku sugan magaalada Garbahaareey.

Lama yaqaan waxa ay baarlamaanka Soomaaliya uga jawaabi doonaan hadalka wasiirka arrimaha gudaha Kenya  Joseph Nkaissery  kasoo yeeray.M

Facebook Comments