Somali News

Kenya” Hadii la doonaayo in Soomaliya ay Nabad Noqoto Waxaa qasab ah in Beesha Caalamka ay…..

Aamina Maxamed Jibriil, wasiirka arrimaha dibedda dalka Kenya,ayaa Beesha Caalamka usoo jeedisay in la sii wado taakulaynta loo fidiyo ciidamada howl galka Midowga Afrika ee Soomaaliya. hadii la rabo in nabad waarta laga gaaro geeska Afrika.

Aamina oo qudbad ka jeedisay kulanka golaha ammaanka Qaramada midoobey ee ka dhacay magaalada New York, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la taageero Ciidanka Amisom haddii la doonayo bey tiri inay Soomaaliya iyo gobolkaba nabad gelyo noqdaan.

Wasiiradda ayaa walaac ka muujisay mushaar dhimista lagu sameeyay Ciidamada Amisom,waxanay carrabka ku adkaysay in lasii joogteeyo taageerada dhaqaale ee la siiyo hawl-galka midowga Afrika.

Aamina Maxamed ayaa sidoo kale sheegtay in mushaar dhimistii uu sameeyay Midowga Yurub ay keentay caqabado badan, waxanay ka dalbatay Golaha Ammaanka inay fiiro gaar ah u yeeshaan arrimaha la xiriira taageerada Amisom.

Dowladda Kenya ayaa marar badan ka hadashay caqabadaha dhanka dhaqaalaha ee soo wajahaya Amisom, markii ay midowga Yurub jareen 20% mushaarkii ay qaadanayeen Askarta Soomaaliya ka joogta Midowga Afrika.

Related posts

Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku dagaallamay Gobolka Bakool

Ahmed sudani

Muxuu Xambaarsanyahay Heshiiska Hubka Nuyuukleerka ee Iran ?

admin

DEG DEG: Guddoomiye taabit oo xilalkii ka xayuubiyay dhamaan guddoomiye ku xigeenada gobolka oo mudo sanado ah kursiga ku fadhiyay+Magacyada

Tifaftiraha K24