Kenya:-Dad ku dhintay shil gaari oo ka dhacay deegaanka Laghboghol

0

Ugu yaraan Afar Qof ayaa ku geeriyootay Toban kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray shil baabuur oo ka dhacay inta u dhaxaysa Habasweyn iyo Laghboghol oo ka tirsan ismaamulka Wajeer Kenya.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii uu gaari Tareella ah ku dhacay Bas, kaas oo ay saarnaayeen inta badan Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay sida uu saxaafadda u sheegay Taliyaha Ciidanka waddooyinka Wajeer, James Cheptiony.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka waddooyinka Wajeer, James Cheptiony ayaa warbaahinta u sheegay in gar gaar deg deg ah loo fidiyay dadkii waxyeelada dhaawaca ah uu ka soo gaaray shilka, ayna wadaan waxa sababay shilka.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku soo badanaya shilalka Baabuurta kala duwan, taasoo loo aaneynayo taxaddar la’aan ay muujiyaan wadayaasha Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa raaxada, gaar ahaan marka ay ku safrayaan goobaha ka baxsan Magaalooyinka.