Animation

KASHIFAAD: Dhageyso Mas’uul DF katirsan oo Lacag Badan Markale ka Xaday Bankiga dhaxe…

no responses
Monday September 19, 2016 - 12:58 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War aysan ku farxin Soomaalida ayaa naga soo gaaray dhanka dowlada Soomaaliya waxaana Dr. Muqtaar Nuur Abuukar oo ah Garsooraha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir uu sheegay in Agaasimaha Laanta Bangiga dhexe ee Dekedda Muqdsho uu Xaday Lacag dhan Labo Boqol iyo Afar Kun oo Dollar islamarkaana ay Amartay Maxkamaddu in Caddaalada la horkeeno si wax looga weydiiyo iyadoo Garsooraha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir shaaciyayin Xeerilaaaliyaha uu wax ka ogyahy Arrintaas lagu Xaday Lacagta.

Shaqsiga xaday lacagta ayaa lagu Magacaabaa Cabdi Maxamed Abuukar oo ah Agaasimaha Laanta Bankiga dhexe ee Dekedda Muqdisho.

Garsooraha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin Cid wali xirtay Shaqsiga lacagta ka xaday Laanta Bankiga dhexe ee Muqdisho.