Kabul:- Ugu yaraan 30 Ruux oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Kabul

0

Ugu yaraan 30 ruux ayaa ku dhimatay 18 kalana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii la qarxiyay macbad u dhaw magaalada Kaabuul, sida ay saraakiishu sheegeen.

Warbixinnada hore waxay sheegayaan in qofka qaraxa gaystay uu beegsaday dad isugu yimid si ay xusaan sannadka cusub ee Nayruuska.

Dadka isu yimid badan koodu waxay ahaayeen Shiicada laga tirada badan yahay. Wararka qaarna waxay sheegayaan in tirada dhimashadi ay intaas ka sii badan karto.

Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ayaa sheegatay qaraxaas. Sannadihii u dambeeyayna waxaa sare u kacay weerarrada madaahiibta ku dhisan ee Shiicada lagu bartilmaameedsado.

Qaar badan oo ka mid ahna waxaa lala xiriiriyay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka.

Afhayeenka wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa BBC-da u sheegay in qofka weerarka soo qaaday uu soo abaaray macbadka Sakhi isaga oo lugaynaya uuna qaraxa gaystay markii ay booliisku aqoonsadeen.

Qaraxu wuxuu ka dhacay bannaanka isbitaalka Ali Abad oo u dhaw jaamacadda Kabul University oo ku taalla galbeedka magaalada, sida uu afhayeen kaasi sheegay.