Ka dib Iscasilaadii Jawaari Xildhibaanadii kala qeybsanaa Ma Heshiiyeen?

0

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah XIldhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in heshiis laga gaaray fariimihii iska soo horjeeday ee xildhibaanada labada Garab lagu kala ballaminayay Kulamadooda.

Waxa uu sheegay in uu Gudoomiye Jawaari oo sheegay in uu Is casilayo uu Xal u noqday isku soo dhawaanshiyaha Xildhibaanada labada dhinac.

Sababaha loo baajiyay kulankii maanta waxa uu ku tilmaamay in ay tahay in berri kulan guud ay leeyihiin si uu u hortago Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari si uu isku casilo.

Inkastoo qorshaha hortagista Jawaari uu maanta ahaa, wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha dib udhaca ku keenay in ay tahay kadib Fariimo iska soo horjeeday oo Baarlamaanka loo diray.

Shaqada waxa uu tibaaxay in dib udhac ku timid, si lamid ahna Howlaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka uu saameeyay Khilaafka ka ka dhashay Mooshinka.

Kulamadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u baaqanayay labo Ajende oo ay u kala balaminayeen Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Baarlamaanka oo labo garab kala hogaaminaya.