Animation

DEG DEG: Janaraal Jaamac Qaalib oo iska casilay Xilkuu uu Xalay MD Farmaajo u magacaabay

no responses
Sunday July 9, 2017 - 8:19 under Breaking News by nairobi
mqdefault

Warar goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib uu iska casilay xil uu umagacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa loo magacaabay xalay Guddoomiyaha Sanduuqa Taakuleynta Ciidamada laakiin saacado kadib xilkaas ayuu iska casilay.

Madaxtooyadda Soomaaliya kama aysan hadlin go’aanka uu Janaraal Qaalib xilkan isaga casilay waxaase la filayaa in badalkiisa la magacaabo.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xalay sheegay in barnaamijka Taakuleynta ciidamada uu yahay mid lagu tayaynayo laguna dhiiragelinayo ciidamada qaranka.