Juventus Oo Soo Celineysa Pogba, United Oo Damacday Lewy, Real Oo Ka Hartay Hazard & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

0

Suuqa Kala Iibsiga ciyaartoyda ayaa furan, koox walbana waxaa u furan iney suuqa kasoo qaadato xiddiga ay dooneyso iyadoo u mareysa habka sharciga ah. Suuqa kala iibsiga sanadkaan waa lagu kala qeybsamay maadaama waqtiyo kala duwan uu furmay.

Horyaalka Premier League wuxuu furmay goor hore oo bisha June ah maadaama uu xirmi doono horaanta August, halka horyaalada kale uu u bilowday 1-da July wuxuuna xirmi doonaa maalinka ugu dambeysa August.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo ay qureen wargeysyada kubadda cagta kuwooda ugu caansan ee qaaradda yurub, masuul kama noqon doono xaqiiqda iyo dhabnimadooda maadaama aan u xaglin doono halka aan kasoo xiganay.


Juventus oo aaminsan in Paul Pogba uu diyaar u yahay dib ugu soo laabashada Turin, sidaas darteed waxey dooneysaa iney iibiso Gonzalo Higuain oo 30-jir ah, Mirelam Pjanic oo 28-jir ah, Daniele Rugani oo 24-jir ah iyo Mattia Caldara oo 24-jir ah si ay dhaqaale ugu hesho xiddiga reer France ee 25-jirka ah. (Mirror)

Advertisement

Manchester United ayaa diyaar u ah iney bixiso lacagaha ay mushaar ahaanta u siiso Alexis Sanchez hadii ay dooneyso saxiixa 29-jirka reer Poland Robert Lewandowski. (Star)

Real Madrid ayaa qarka u saaran iney ka badbaado dalab ay u dirto Eden Hazard kaas oo 27-jir ah iyadoo diidan iney la kulanto qiimaha ay Blues duldhigtay xiddigaan oo lagu sheegay 200 Malyan oo Pound. (Express)

Chelsea ayaa diyaar la ah iney 30 Malyan oo Pound kusoo qaadato 27-jirka reer Wales ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey kaas oo 12-bilood kaliya uu kaga harsan yahay heshiiska uu kula jiro Gunners. (Mail)

Borussia Dortmund ayaa diyaarineysa iney ku iibiso da’yarkeeda reer Mareykan Christian Pulisic xagaagan adduun dhan 65 Malyan oo Pound, xiddigaan waxaa ku raad jooga kooxaha Liverpool & Chelsea. (Mail)

Xiddiga bartilmaameedka u ah Arsenal ee Steven Nzonzi kana tirsan Sevilla ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Roma, wuxuuna ugu wareegi karaa lacag ka badan 29 Malyan oo Pound. (Calciomercato)