Somali News

Jubbaland oo war cusub ka soo saartay caleema saarka Axmed Madoobe.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu dhici doona marka ay soo dhameystirmaan wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in caleema saarka uu qabsoomi doono marka dhammaan wafuuda ay yimaadaan Kismaayo.

Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii labaad dib u dhacday, sababo la xiriira xayiraada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ka digay cadaadiska dowladda Federaalka ku heyso Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon bulsho, waxaana mar kale uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay xoriyadiisa dib u soo celiyaan Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Related posts

TOP NEWS: Maamul Goboleed Cusub oo looga Dhawaaqay Deegaanada Puntland iyo Madaxweyne loo Doortay Shaqsi Horay Xil looga qaaday Puntland+Magaca Madaxweynaha Cusub

Tifaftiraha K24

Wasiir ka tirsanaay xukuumadda cumar c/rashiid oo muqdisho ku geeriyooday kadib markii…..

Tifaftiraha K24

Deg-deg:Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Oo La Doortey (yaa Loo Doortey).

admin