Jubbaland oo ku soo biirtay Go,doomintii lagu haayey Galmudug.

0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa sameeyay qorshayaal lagu kala fur furayo isbaheysiga cusub ee soo baxay ee niyada u yeelay maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo markii hore taagnaa heer is dhiibid ku dhaw.

Fashilka shirkii Garawe kadib ayaa dowlada Federaalka ka shaqeesay in meesha laga saaro isbaheysigii hore ee u dhaxeeyay Puntland , Jubbaland iyo Galmudug, waxaana taas badalkeeda xalay Garawe Isbaheysi cusub kaga dhawaaqay maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Isbaheysigan cusub waxaa ka maqan labada maamul ee Jubbaland iyo Galmudug, waxaaa isbaheysigan ku jira labada maamul ee dowlada federaalka taageerada u ah, waxa ayna taasi muujineysaa in Isbaheysigii hore uu is rogay.

Madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland ayaa hada xaalka ku xun yahay, waxaana labadan maamul garbahooda ka baxay maamuladii kale ee dalka ka jiray, waxaa sidoo kale wakiilada beesha Caalamka loo gudbiyay dacwad ah in shirkii Garawe fashiliyeen  .

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la aaminsan yahay in uu ahaa ninkii soo nooleeyay niyadana u yeelay maamulada waqtigoodu dhamaaday ee Jubbaland iyo Galmudug, waxaana la sheegay in Deni uu garabkooda hada ka baxay saaxiibadiisii hore.

Dad badan ayaa aamisan hadii dowlada Federaalka ku guuleesato in Puntland ka reebto isbaheysigii kala dhaxeeyay Galmudug iyo Jubbaland in meesha ka bixi doonaan labada Hogaamiye ee Axmed Madoobe iyo Xaaf oon taageero badan heesan.

Wakiilada beesha Caalamka ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa in cadaadis saaraan Madaxda maamulada Galmudug iyo Jubbaland oo lagu eedeenayo in ay diidan yihiin in doorasho ka dhacdo deegaanadooda ayna doonayaan wax isdaba marsi iyo mudo