Jubaland oo D.Federaalka ku eedeysay in ay oggolaansho la’aan wafddi u dirtay Baardheere

0

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ixtiraamin nidaamka Federaalka ah ee dalka u degsan.

Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in inkasta oo ay shaqadii laga rabay qabteen haddana Wafdi ka socday Dowladda Federaalka ah oo dhawaan gaaray Baardheere ay sameeyeen ixtiraam darro kaddib markii iyaga oo aan oggolaansho ka heysan Maamulka Jubaland ay tageen Gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay in Dastuurka dalka uu kala qeexayo nidaamka maamulka iyo kala sarreynta dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada islamarkaana ay muhiim tahay in la is xushmeeyo.

Waxaa uu Wafddiga Ra’isalwasaare ku xigeenka ku eedeeyay in Jubaland iyaga oo aan fasax ka heysan ay tageen Goboka Gedo taas oo uu sheegay in ay iyaga uga dhigan tahay in Guriga aan albaabka laga soo gelin islamarkaana fasax la’aan ay tageen Gobolka Gedo.

Dowladda Federaalka ah ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay la safatay Dowladda Qadar islamarkaana ay ceyrisay Imaaraadka Carabta taas oo uu sheegay in ay dhex dhexaadnimada ka saartay Soomaaliya.