Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) oo war muhiim ah soo saartay

0

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO)

Xabbad-joojin hal dhinac ah (Unilateral Ceasefire)

12 August 2018

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO),

Iyadoo ka duulaysa baaqii nabadeed ee ka soo yeedhay xukuumadda Itoobiya ee ra’iisal wasaare Abiy Axmed uu madaxda ka yahay,

Iyadoo tixgalinaysa tallaabooyinkii nabadda loogu gogol-xaadhayo ee dowlada Itoobiya qaadday,

Iyadoo dareensan sida ay wax ugu dhimi karto xasilloonida iyo nabadda tallaabo millatari oo qolo keligeed ahi iskeed u qaado,

Iyadoo muujinaysa sida ay diyaarka ugu tahay in waddo nabadeed loo maro xalka dhibaatada Ogaadeenya,

Iyadoo ka turjumaysa kaalinta ay ku leedahay raadinta xasillooni iyo nabad ku wada-noolaansho laga hirgaliyo gobolka Geeska Afrika,

Iyadoo aaminsan sida ay lagama maarmaan u tahay in la abuuro jawi nabadeed oo suuragalin kara in labada dhinac ay yeeshaan wadahadal lagu dhammeeyo dhibaatada Ogaadeenya,

Waxay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya (JWXO) ku dhawaaqaysaa xabbad-joojin hal dhinac ah, oo ka billaabanaysa maanta, oo taariikhdu ay tahay 12 August 2018, markay saacaddu tahay 12.00 Duhurnimo, iyadoo hakisay dhammaanba hawlgalladii ciidan ee ka dhanka ahaa Ciidammada Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya. Xabbad-joojintani waxay soconaysaa ilaa iyo inta labada dhinac ay ka gaadhayaan heshiis nabadeed oo dhammaystiran.

Jabhaddu waxay xukuumadda Itoobiya ugu baaqaysaa inay iyaduna dhinaceeda qaadato go’aan midkan la mid ah, si loo hakiyo colaadaha ka taagan gayiga Ogaadeenya, isla markaana wadahadallada nabadeed fursad loo siiyo.