Animation

Jaaliyadda Puntland ee dalka Australia ayaa shaacisay inay soo dhaweynayso shirkii wada-tashiga Puntland (Sawiro)

no responses
Thursday September 3, 2015 - 10:12 under Breaking News by admin
mqdefault

Jaaliyadda Puntland ee dalka Australia ayaa shaacisay inay soo dhaweynayso shirkii wada-tashiga Puntland ee maalmo ka hor lugu soo gaba-gabeeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirkan oo socday muddo shan maalin ah waxaa ka soo baxay qodobbo ku aadan sidii ay Puntland horay ugu socon lahayd,loona sixi lahaa waxii qaldamay muddo 17 sanno ah oo ay dhisneyd.

Jaaliyadda Puntland ee dalka Australia waxaa ay caddeysay inay taageersan-tahay qodobbada ka soo baxay shirka,waxayna ku sheegeen tallaabo gaasinimo leh oo horay u sii socod siinkarta Puntland.

Afhayeenkan jaaliyadda Australia ee Puntland Diaspora,Saciid Abdirahmaan Shiine ayaa u sheegay warbaahinta inay tahay wax wanagsan wada-hadalka bulshada Puntland oo la turxaan bixiyo waxii la kala tabanayo beelaha dhexdooda iyo dhanka dowladda,taaso dhalin karta in laga wadda shaqeeyo sida uu sheegay horumar lugu gaaro guusha Puntland iyo Soomaali-weynba.

Waxaa kalo uu ammaanay afhayeenka jaaliyadda Puntland ee dalka Australia booqashada uu madaxweynaha Puntland ku tagey deegaanno ka tirsan gobolka Mudug,kuwaaso laga xarig-jaray mashaaric horumarined kuwo kalana uu madaxweynuhu dhagax-dhigay si loo hormariyo dhammaanba deegaannada Puntland,maaddaama uu madaxweynaha horay u ballan-qaaday waqtigii uu doorashada ka qayb-galayay si siman in horumarka loo garsiinayo dhammaan gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Afhayeenka ayaa isagoo jaaliyadda afkeeda ku hadlaya waxuu sheegay in hadda la taagan yahay xilligi jaaliyadaha Puntland ay mashaariicyo kala duwan wadanka geyn lahaayen si ay ugu faa’iideeyan bulshada reer Puntland shaqo abuurna ugu noqon lahayd dhallinyarada ay tahriibka uga bad baadi lahaayeen,

“Waan awoodna haddi aan xoogga saarno in aan Puntland ka dhigno wadamada aan ku noolnahay sida ay yihin waxa hormariyey waa dad aan isku mid nahay xagga aqoonta waayo dalkeena wuxu leeyahay khayraad wanagsan oo kala duwan wuxu u bahan yahay aqoon,aqoonta waa inan dalkeena iyo dadkeena ku hormarina,”ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka jaaliyadda.

Afhayeenka waxuu kalo uu  ammaanay doorka muuqda ee ay haweenka reer Puntland ee dalka Australia ku leeyihiin dadaallada ay jaaliyadda ku dooneyso inay ka qayb-qaadato horumarka ka socda dalka,gacana siiso dowladda si wada-jir lugu gaaro halka loo socdo.

Jaaliyadda Australia ee Puntland waxaa ay ka mid tahay jaaliyadaha muddooyinkii dambe horumarka sameynayay,waxaana hormuud u ah afhayeenka jaaliyadda,Saciid Abdirahmaan Shiine oo lugu ammaanay shaqada badan ee u hayo.FB_IMG_1440421953408 (2) FB_IMG_1441211365655 FB_IMG_1441211405105