Animation

Itobiya oo Ciidamadeeda ka daad guraysanaysa Magaaloyin Badan oo Somalia ka titsan.

no responses
Tuesday October 25, 2016 - 7:20 under Somali News by admin
mqdefault

Dowlada Ethiopia ayaa ku wargelisay madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed arin uusan ku farxin oo walaac ku abuurtay shacab badan oo ku nool magaalo kamid ah Koofur Galbeed.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ee kusugan Koofur Galbeed ayaa ku wargeliyay ciidamada iyo maamulka Koofur Galbeed iney isaga baxayaan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool.

Arintaan ayaa walaac ku abuurtay shacabka ku nool degmada Tiyeeglow iyo saraakiisha ciidamada maamulka Koofur Galbeed ee kusugan degmadaasi.

Cabdi Ibraahim Taakow taliyaha booliska ee degmada Tayeeglow ayaa sheegay in arintan ay cabsi cusub ku abuurtay shacabka magaalada, maadaama ciidamada Ethiopia isaga baxayaan degmadaasi.

Laakiin wuxuu sheegay in ciidamada Soomaalida ay isku diyaarinayaan iney difaacaan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool si Alshabaab aysan magaalada u qabsan.

Ciidamada Ethiopia ayaa isaga baxay Halgan oo Hiiraan ka tirsan iyo deegaano kale oo gobolka Hiiraan ah, waxaana kadib qabsaday ciidamada Alshabaab sido kale  Ciidamada Itobiya  waxaay qorshaynayaan in ay iskaga baxaan qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud, Gedo iyo Bay.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ma aysan sheegin waxyaabaha qasbaya iney isaga baxaan degmada Tiyeeglow iyo deegaanada kale ee Soomaaliya.