Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News Xulashada K24

Israeli oo duqeyn ku dishay dad rayid ah iyo sarkaal sare oo ka tirsan ururka Jihaad

Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda  Jihaadul Islaam ee ay taageeraan Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lgu bartilmaameedsaday ninkasi.

Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo  Baha Abu Al-Atta ,ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yiillay degmada Shejaia ee Gaza  waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey,halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale .

War murtiyeed ay soo saarteen Kooxda reer Falastiin  ay maanata lagu xaqiijiyay geerida sarkaaalkasi oo da’diisa lagu sheegay 42-sano jir.

Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weerarary deegaanada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faahfaahin  ku saabsan khasaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Isra’il.

Related posts

DEG DEG: Qarax loo maleynaayo in ay ka dambeeyaan kooxda daacish oo ciidamada puntland lagula eegtay deegaanka…..

Tifaftiraha K24

Akhriso: Liiska golaha wasiirada galmudug ee uu soo magacaabay madaxweyne geelle xaaf

Tifaftiraha K24

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay Masuuliyiin lagu dilay Qaraxii ka dhacay Sh/Hoose

Ahmed sudani