Animation

israa,iil maxay ka dhaheen Diyaaradaha Dagaalka Ruushka ee sida qaldan ugalay dhulka ay heysteen

no responses
Monday November 30, 2015 - 6:41 under Somali News by admin
mqdefault

Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Ruushka ayaa si qaldan u gashay hawada Maamulka Isra’iil waxaana jawaab ka bixiyay markiiba wasiir u dhashay Maamulka Isra’il.

Wasiirka Gaashaandhiga Maamulka Yuhuuda Moshe Yaalo ayaa sheegay inay diyaaradaha Ruushku galeen hawadooda laakiin aysan si ula kac ah u gelin.

“diyaaradaha ruushka haweena si qaldan ayay ku soo galeen laakiin wax talaabo ah ma aysan qaadin”ayuu yiri Moshe Yaalo

Wasiirkaan wuxuu intaasi ku daray Diyaaradahaasi ruushka laga leeyaha aysan duulaan ku aheyn dalkiisa balse ay si kama’ah u galeen hawadooda.

“anaga wax talaabo ah kama aanan qaadin diyaarada Ruushka, qaladaadka nuucaani oo kale ah markey dhacaab waa inaan dulqaad sameynaa”ayuu yiri Moshe Yaalo

Diyaaradahaan ayaa qeyb ka ah kuwa duqeymaha ku wada shacabka Muslimiinta ah ee Suuriya ,dhawaan ayay ahayd markii ay sidaan oo kale u galeen hawada dalka Turkiga dabeetana mid ka mid ah la soo riday.

kismaayo24