Isbitaalka Kalkaal Oo Dalka Keenaya Dhaqtar Daweenaya Dhalmo la’aanta Raga iyo Kiliyaha Iyo Kaadimareenka.

0

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku war galinaya in Isbitaal uu imaanayo kana howl galayo Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya oo ku takhasusay Dhalmo la’aanta raga, xanuunada kilyaha iyo kaadi mareenka.

Dhaqtarka oo ka howlgala Isbitaalo kuyaala Hindiya ayaa  Muqdisho u imaanaya sidii uu bulshada Soomaaliyeed uga daweyn dhalmo la’aanta raga iyo xanuuno kale, waxa uuna dhaqtarkan Isbitaalka imaanaya 14-2-2019, waxa uuna joogi doonaa mudo isbuuc ah.

Cudurada oo Dhaqtarkan Daaweyn doono waxaa kamid ah

1-Daaweynta Dhalmo la’aanta raga

2-Qaliinka dhagxaanta kilyaha iyo kaadi mareenka

3-Qaliinka qanjirka Burustaatada

4-Furista tubooyinka Kaadi mareenka

5-Qaliinada Kaadi mareenka

6-Daaweynta Infegshinada

7-Daaweynta raganimada

Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ayaa sidoo kale dalka idiin keenay Mishiinka E S W L oo burburiya dhagxaanta kilyaha iyada oon wax qaliin ah lagu sameyn , waxa uu sidoo kale Isbitaalka Kalkaal idiin keenay raajo Digital ah.

Kalkaal Hospital ayaa dhamaan qaliinada uu fulinayo u adeegsanaya habka casriga ee loo yaqaan Laproscopy, waxaana Isbitaalka mar walbo u taagan yahay sidii uu u haqab tiri lahaa baahiyaha caafimaad ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.

Waxii Faah faahin ah kala xiriir

Tell:0617633661 ama 0617633662

Sidoo kale kala xiriirka Numberka gaaban ee 4040.