Somali News

Iran oo laga Helay Keyd Cusub oo Saliid ah

Hoggaamiyaha Iran ayaa sheegay in saliid cusub ay ka heleen dhul baaxad weyn oo ku yaalla koonfur galbeed ee dalkaasi Iran.

Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay in dhulkan shidaalka laga helay ay ku jiraan 53 billion oo foosto oo saliid qeyrin ah, wuxuuna sheegay inay kor u qaadi doonto kayda shidaalka ee Iran

“Waxaan u sheegayaa Aqalka Cad in maalmihii aad cunaqabteynta saarteen iibka shidaalka Iran, in shaqaalaha Iran iyo Injineeradduba ay awood u helaan inay daahfuraan 53 billion oo foosto ah oo saliid ah” Rohani ayaa sidaas sheegay.

Iran ayaa wajahaysa cunaqabateyn adag oo Maraykanku saaray, kaddib markii maamulka Donald Trump uu ka baxay sannadkii hore heshiiskii nukliyeeka ee u dhaxeeyay Iran iyo dalalka awoodda leh.

 

Isha VOA

Related posts

Dad badan oo Soomaali ah oo dalka Yamen ugu dhintey duqeymo dhinaca cirka ah

admin

Akhriso: Tirada Rasmiga ah ee Soomalida lagu dilay Dalka Koonfur Afrika Maalmaha Ciidul fidriga inta lagu ….

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Maxay tahay Sababta Magaalada Garbahaarey ay u tageen Wafdi ka Socda Qaramada Midoobe+Sawirro

admin