Animation

Inqilaab Milatari oo Ka socda Mid kamid Wadamada Afrika Iyo Madaxweynihii dalkaas iyo Xaaskiisa oo xabsiga la dhigay+Sawirro

no responses
Wednesday November 15, 2017 - 9:20 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Dhaqdhaqaaq ciidamada xoogga ee dalka Zimbabwi ay wadaan ayaa loo maleynayaa in uu ku saleysanyahay inqilaab xukumada madaxweyne Robert Mugabi lagu fulinayo. Uguyaraan sadex qarax ayaa ka dhacay magaala madaxda dalkaasi ee Harare aroornimadi maanta, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dadkan oo caasimada ku sugan ayaa intaas ku darey in ay arkayeen gaadiidka ciidanka xoogga oo wadooyinka waaweyn ee caasimada wareegaya, saacdo un ka dib markii ay xaley la wareegeen warbaahinta dowlada ee ZBC. Dadweynaha ayaa sheegay in warki xaley ee 11-ka habeenimo uu baaqdey, halkiisina lagu badaley madadaalo heeso u badan.

Talaadadi ayey dowlada Zibabwi qiyaano qaran ku eedeysay taliyaha ciidamada xooga, ka dib markii sida ay sheegeen uu ku goodiyey in uu farogalin ku sameeyey siyaasada dalka. Warbixin uu soo saarey xisbiga talada hayo ee ZANU-PF ayaa Talaadadii lagu sheegay in ay ka walwalsanyihiin in ay ciidamadu wadaan afganbi.

Taliye ku xigeenka ciidanka oo ka hadley warbaahinta dowlada ayaa dadweynaha reer Zimbabwi usheegey in ay isdajiyaan, waxaanu uu yiri; wax afganbi ah kama jiro dalka. Jeneraal Sibusiso Moyo, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka ayaa sida oo kale shaaciyey in uu Madaxweyna Robert Mugabi nabad qabo.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Militariga Zimbabwe waxay qabsadeen meelo muhiim ah, waxayna la wareegeen magaalada Harare ee caasimadda dalka.

Maj Gen Sibusiso Moyo ayaa si toos ah uga hadlay TV-ga wuxuuna sheegay in uu rajeynayo “in qaranka uu u xaqiijiyo in madaxweynaha iyo qoyskiisa ay bad qabaan, amnigoodana la damaanad qaaday”.

“Waxaan bartilmaameed ka dhiganeynaa dimbiilayaasha ku hareereysan madaxweynaha oo keliya kuwaa oo falalka dembiga ah geystay, ee sababaya dhibaatada dhaqaale iyo midda bulsho ee ka taagan dalka,” ayuu yiri

“Markaan howlgalka dhameyno, waxaan fileynaa in xaaladda ay caadi ku soo noqoto.”

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.