Animation

India oo gataalo ku weerartay Pakistan iyo Pakistan oo..

no responses
Sunday October 2, 2016 - 6:03 under Somali News by admin
mqdefault

Dowladda Pakistan ayaa ku eedeysay India in ay gantaalo kusoo riday soohdinta ay labada dal ku wadaagaan gobolka Kashmir, balse ma aanay sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeyntaasi.

Milateriga Pakistan ayaa sheegay in ciidanka India uu muddo afar saac ah hubka culus ku garaacayay soohdinta kala qeybsi ee Kashmir, gaar ahaan magaalada Bhimber.

Waxa uu intaa ku daray in si wanaagsan uu uga jawaabay duqeyntaasi.

India ayaan ka hadlin eedeyntaasi Pakistan ay usoo jeedisay.

Taliyaha milateriga India ayaa booqday ciidanka ku sugan furinta, ayadoo xukuumadda Delhi ay dhawaan sheegtay in ay gudaha Pakistan ka fulisay duqeymo ay ku bartilmaameedsatay xarumo ay sheegtay in ay leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Xiisadda labada dal ee deriska ah, kuna hubeysan nukliyeerka, ayaa maalmihii lasoo dhaafay gaartay meel sare.