In Ka Badan 6: Ardey Soomaali ah Oo lagu la’yahay Bangaladesh

0

Dalka Bangaladesh waxaa lagu la’yahay 6 Ardey Soomaali ah oo dalkaas u tagay waxbarasho,Ardeydan ayaa isdiiwaan geliyay sanad waxbarasgadeedkii 2016/2017,iyaga oo hadda la la’yahay muddo sanad ah.

Ardeydan waxaa ay iska diiwaangeluteen Jaamacadda Caalamiga ah ee Ganacsiga,Beeraha iyo Tignolojiyadda ee IUBAT.

Ardeydan markii hore waxaa ay ahaayeen 7 waa inta la waayaye,waxaana ay magacyadoodu kala yihiin Sakid Hasan Bue, Abdi Rahman Abdullahi Hasan, Mohammad Abukar Dahir, Ali Salad, Sakir Omar Sheikh Abdul Kadir, Abdir Rahman Abdullahi Hasan iyo Siraji Mohammad Ali.

Goordambe ayaa la helay mid ka mid ah kaas oo lagu magacaabo Siraji Mohammad Ali,waxaana uu hadda dhigtaa Jaamacadda Uttara,waxaa wali la la’yahay 6-da kale.

Mahmudul Hasan, oo ah Taliyaha Booliska Magaalada Uttra ayaa sheegay in kiiskan ay ku daba jiraan islamarkaana ay wali ku howllanyihiin baaritaan.

Waxaa uu sheegay in Koobiga Baasaboorradooda ay ku wareejiyeen laanta socdaalka Bengaladesh,si haddii ay wali ku suganyihiin gudaha dalkaasi loo helo.

Maamulka Jaamacadda IUBAT ayaa sheegay in Ardey u kala dhashay Soomaaliya,Nepol iyo Maldives ay dhigtaan Jaamacaddooda hayeeshee la waayay 7 ka mid ah Ardeyda Soomaalida ah.

Siraaji Maxamed Cali waxaa uu sheegay in uusan ka helin waxbarashada Jaamacadda IUBAT sidaas darteedna uu u wareegsaday Jaamacadda kale ee Shanto-Mariam University of Creative Technology.

Madaxa la socodka Ardeyda Ajannabiga ah ee Jaamacadda IUBAT,Majedur Rahman ayaa sheegay in uu aad uga wal walsanyahay maqnaanshiyaha Ardeydan maaddaama ay ajaanib yihiin,waxaana uu sheegay in uu ku rajo weynyahay in aysan faldambiyeed ku lug yeelan.

Jaamacadda Ardeydan ay iska diiwaangeliyeen waxaa ay sheegtay in ardeydaasi ay Dalka Bangaladesh geysay Hay’ad lagu magacaabo Banana Group oo ah hay’ad Ardeyda ka caawisa helintaanka wabarashada dibadda,waxaana ay ka howlgashaa 15 dal oo caalamka ah iyada oo ay ku xiranyihiin 50 Jaamacadood.