Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News

Imaaraadka Carabta oo Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dhaawacyadii Qaraxii Zoobe.

Dowladda Imaraadka Carabta ayaa maanta Muqdisho ka qaaday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe lagu halaagsamay ee dhacay 14-kii bishan.

Diyaarad caafimaad oo ay soo dirtay Imaaraadka ayaa lagu qaaday shan ka mid ah dhaawacyada oo ku jiray qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda iyo Bisha Cas ee Imaraadka Carabta ayaa garoonka Aadan Cade ku sii sagootiyay dhaawacyada, iyadoo qof walbana ay la socdeen mid ka mid ah ehelkiisa.

Waasarada Caafimaadka ee Dowladda Federaalka soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Dowladda Imaaraadka gurmadka ay u sameyeen Dadka Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay Qarixii Zoobe, iyo Garab isataga ay u muujiyeen Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya xilligan adag.

Imaaraadka Carabta ayaa Maalmo ka hor soo gaarsiiyay magaalada Muqdisho Deeq Dawo iyo Qalab Caafimaad isugu jirta oo loogu talagalay Caawinta iyo Daaweynta dadkii ku dhaacmay Qaxrii Zoobe.

Imaaraadka ayaa ballan qaaday in dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ku daaweyso 100 ka mid ah Dhacwacyadii Qarxii zoobe, iyo in ay Daryeel u fidiyaan muddo lix bil ah 300 oo Qoys oo ka mid ah Agoontii waalidiintooda ku dhintay qaraxa.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Dowlada imaaraadka ay maalmaha soo socda Cafaimaad dibada ah ay u qaado ku dhawaad 30 ka mid ah dhaawacyadii Qarxii Zoobe, kuwaasoo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Sheekh Zaid ee Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ahaa dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya, markii ay dhacday Musiibadii Qaran ee Dadka badan ku dhinteen.

Related posts

War Cusub: Magaalada muqdisho oo markii ugu horeysay lagu arkay ciidamo cadaan ah oo ka socda…

Tifaftiraha K24

Booliska Soomaaliya oo baaritaan ku haaya kiis Sargaal ka tirsanaa.

admin

Magaalada muqdisho iyo magaallooyinka dalka oo maanta laga xusaayo 15-ka may

Tifaftiraha K24