Animation

IGAD oo ka jawabtay Warar ka soo baxay Shirkii…

no responses
Sunday September 25, 2016 - 4:37 under Somali News by admin
mqdefault

Jamaal Xaaji Axmed oo ah Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay halka uu marayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo ShabeelahaDhexe.

Waxa uu Wakiilku meesha ka saaray in ay jiraan Ergooyin shirka ka carooday isagana baxay balse waxa uu qiray in ay jiraan Tabashooyin ay Ergooyinka qaar qabaan lana wado xal u helistooda.

Sidoo kale Wakiilka ayaa ku nuux nuuxsaday in haatan ay billaabeen xareynta Ergooyinka si loo guda galo howlaha dhiman isagoo hoosta ka xariiqay in ay doonayaan in si xaq iyo Cadaalad ku dheehantahay doonayaan in wax lagu qeybsado.

“waxaan rajeyneynaa in Shirka Jowhar uu ka soo bixi doono maamul wanaagsan oo dadka labadaasi Gobol ku wada qanacsan yihiin” ayuu yiri Wakiil Jamaal.

Si kastaba IGAD ayaa la wareegtay hab maamulka Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib markii ay ku fashilantay dhismaha maamulkaasi Dowladda Federaalka Soomaaliya.