Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Howlgalo Amni Xaqiijin ah oo Ka soconaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug

Sida aanu ku heleyno Wararka inaga soo gaaraya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Gaalkacyo qeybta Puntland.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Gaalkacyo

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Waqooyiga Gaalkacyo  ayaa sheegaya in ujeedka Howlgaladan ay yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka guud ee Magaaladaasi iyo sidii loo soo qab qaban lahaa raggii ka dambeeyay Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal Sare oo shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa ku sugan taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gorod, waxaana uu halkaasi ka waddaa howlo nabadeyn ah.

Related posts

War Cusub: Magaalada Kismaayo oo Lala Mataaneynaayo Magaallo Qurux Badan oo Dalka Turkiga ku taal. ( Magaceed?)

admin

K24 oo heshay

admin

Dhageyso: Odayaasha Cadaado oo ka hadlay dagaalada kasocda Deegaano hoostaga degmada Dhuusomareeb.

admin