Howlgallo Ballaaran Oo Ka Socda Deegaano ka Mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in howlgallo ay ka bilowdeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxaa Ciidamada milatariga dowladda ay ka wadaan  tuulooyin hoos yimaada deegaanka Golweyn ee G/ Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Golweyn Maadey Sheekh Cismaan Islow ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ka socda Deegaanka.

Waxaana uu sheegay in u jeedka uu yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga, loogana hortagi lahaa weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan halkaasi.

Guddoomiye Maadey ayaa tilmaamay in howlgalladaasi uu horkacayo G/Sare Xasan Maxamed Abuukar Xasan Jaamici oo ka mid ah saraakiisha Ciidamad dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgallada ka socda Sh/ hoose ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii dambe dagaalyahannada Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gobolkaasi.