Animation

Hot News: Jawaari “Dowlad Gobaleed Aan Puntland Ahyen Dalka Kama Jirto”.

no responses
Monday August 31, 2015 - 7:08 under Somali News by admin
mqdefault

Guddoomiyaha Baarlamaanka  Soomaaliya Prof Maxamed  Sheekh Cismaan jawaari ayaa sheegay in aysan jirin wax  Dowlad Goboleed ah oo ka jira Soomaaliya  oo aan ka aheyd Maamulka Puntland.

Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Tilmaamay in Dastuurka Soomaaliya  uusan Ogoleyn Dawlad Goboleed loogu yeero Maamulada ka jira Dalka oo loogu yeeri karo Maamulo KMG ah oo Dalka ka jira.

Maamulada Dhsmay ee Dalka ka jira lama dhihi karo Dowlad Goboleed waa Maamulo KMG ah oo lagu dhisay Go’aano Siyaasadeed,wax  Dolwad Goboleed la yiraado ma jiraan oo aah aheyn Puntland oo ka horaysay Maamulada la dhisay”ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Dastuurka Soomaaliya aysan aqbali doonin Cidii jabisa oo Baarlamaanka uu Mas’uul ka yahay ilaalintiisa.

Hadalka Guddoomiye Jawaari ayaa imaanaya  Maamulo badan ay ka dhismeen Soomaaliya kuwaas oo ay kamid yihiin Koofur Galbeed,Galmudug ,Jubbaland iyo  Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe oo hada la dhisayo.