Somali News

Horyaalka talyaaniga oo rikoor ka dhigay suuqa kala ibsiga iyo Barcelona oo….

Suuqa kala iibsiga ee Horyaalka talyaaniga ayaa shalay oo jimco ahayd la soo xiray, wuxuuna dhigay rikoor wayn.

Football Italia ayaa daaha ka qaaday in kooxaha horyaalka talyaanigu ay qarash gareeyeen lacag dhan hal bilyan oo euro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Waxaa ka horeeya kaliya kooxaha horyaalka ingiriiska oo qarash gareeyay lacag dhan 1.42 bilyan oo euro suuqii xaggaagan.

Laacibka ku biiray Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa noqday laacibkii ugu qaalisanaa suuqii xaggaagan ee qaarada yurub oo idil kadib markii lagu la wareegay lacag kor u dhaafaysa 100 milyan oo euro.

Dhanka kale

Barcelona ayaa caawa garoonkeeda ku marti qaadi doonta kooxda Deportivo Alaves furitaanka horyaalka La Liga ee xiliciyaareed kaan cusub.

Kulankaan ayaa ah kii 200-aad ee Luis Suarez uu xirto funaanada kooxda Barcelona, wuxuu horay u saftay 199 kulan, wuxuuna u dhaliyay 152-gool sida uu baahiyay wargayska Sport.

Image result for Deportivo Alaves vs Luis Suarez

Luis Suarez ayaa ka dhaliyay La Liga 110 gool, Champions League 19-gool, Copa del Rey 16-Gool, hal gool Super Cup-ka Spain, hal gool super Cup-ka yurub iyo 5-gool oo ah koobka kooxaha adduunka.

Tan iyo markii uu ku biiray Barcelona, Luis Suarez ayaa ku guulaystay 12-koob oo uu ku jiro koobka horyaalada yurub.

Related posts

DAAWO. Dood Kulul oo dhexmartay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaan Shariif Maxamed

gurey

Madaxweynaha Puntland oo Guddi u saaray Qiimeynta waxyeelada Duufaanta

Tifaftiraha K24

Sawirro: Guddoomiye Yariisow Oo Maanta Furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis oo Muddo Xirneyd

admin