Animation

HORUDHACA Kulanka Xiisaha Leh Ee Northampton vs Manchester United (Manchester United Oo Seddex Kulan Oo Guldaro Xiriir Aheyd Kadib Guushii Ugu Horeysey Raadineysa)

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 5:40 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

kooxda Northampton Town oo ciyaarta Horyaalka hoose ee League waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Paul Anderson kulanka EFL Cup wareega seddexaad oo ay la ciyaarayaan Manchester United.

Anderson koobkaan u ciyaari karin kooxdiisa isagoo u soo ciyaaray kooxaha Bradford City wareega hore ka hor inta uusan kusoo biirin kooxda lagu naynaaso Cobblers.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee United Michael Carrick ayaa qarka u saaran inuu kulankiisii ugu horeyay ee xilli ciyaareedka kusoo bilowdo caawa.

daafaca bidix ee Luke Shaw ayaa jeex gumaarka ah qaba iyadoo weeraryahanka Anthony Martial shaki dhaawac madaxa ah uu kujiro, halka ciyaaryahanka khadka dhexe Henrikh Mkhitaryan dhibaato bowdada ah wali uu la maqan yahay.

XAQIIQADA KULANKA

Northampton ayaan waligood garaacin kooxda Manchester United.

Labada kooxood ayaa ku kulmay FA Cup 1970 iyo 2004 iyadoo United 8-2 iyo 3-0 ku badisay, laakiin waxa ay marna ku kulmin tartankaan League Cup.

Markii ugu danbeysay ee kooxda Northampton ku lu yeelato League Cup wareega sadexaad waxaa 4-2 ku garacday kooxda Liverpool ka dib markii 2-2 ay ku galeen Anfield bishii September 2010.

United ayaa ku hartay wargaan sadexaad ee tartankaan markasta oo wajaheysay kooxaha hoose labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay MK Dons iyo Middlesbrough ayaana kala qaarajiyay.

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa ku guuleystay todobo ka mid ah sideed kulan oo uu League Cup ku wajahay kooxaha horyaalka hoose.