Animation

HORUDHACA Kulanka Xiisaha LEh Ee Kooxaha Arsenal Vs Burnley (Maxaa Laga Yiri Kulankan???)

no responses
Sunday October 2, 2016 - 6:57 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Weeraryahanka Burnley ee Gray serves ayaa kulankii labaad maqnaan doona isagoo afar kulan oo ganaax ah haysta ka dib wixii uu Twitter kusoo qortay 2012.

Arsenal ayaa qiimeyn doonta xaalada taam ahaanshaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Francis Coquelin, kaas oo si deg-deg ah uga soo kabsaday dhaawac soo gaaray kulankii Chelsea.

Olivier Giroud, Aaron Ramsey, Per Mertesacker, Danny Welbeck and Carl Jenkinson ayaa weli kulankaan kasii maqnaan doona.

Xogta Kulankaan

*Burnley ayaa weli guul ka gaarin Arsenal 7 kulan oo ay la ciyaarta tan iyo 1974-tii (D1, L3).

* Si kastaba kooxda lugu naanayso Clarets ayaa Arsenal ka reebtay Carling Cup wareega shanaad December 2008 markaas oo ay guul 2:0 ah gaareen.

*Sadexdii kulan ee ugu dambeeyey labadaan kooxood ee ay ku ciyaareen Turf Moor ayaa la iska dhaliyey keliya sadex gool, arsenal ayaa labo lahayd halka kooxda martida loo yahay hal keenteen.

*Hector Bellerin ayaa sameeyey lix caawin tan iyo markii uu kusoo biloowday kulankiisii ugu horeeyey Premier League sanadkii hore.

* Alexis Sanchez ayaa sadex gool ka dhaliyey kooxda Burnley, waana xiddiga ugu badan ee goolasha badan ku leh.