Animation

HORUDHACA: Kulanka XIisaha Iyo Xamaasadaba Leh Ee Manchester United Vs Stoke City (Maxay Saxafadu Kulankan Ka Tiri???)

no responses
Sunday October 2, 2016 - 7:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Labada xiddig ee kooxda Man United Luke Shaw and Henrikh Mkhitaryan ayaa dib uga soo laaban doona xanuuno ay qabeen, diyaar ayeeyna u yihiin kulankaan.

Laakiin Phil Jones ayaa weli dhaawiciisii lasii maqnaan doona, halka Wayne Rooney uu kusii dhowaanaya inuu dib u helo booskiisa joogtada.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Stoke City Joe Allen ayaan weli tababarka kusoo laaban ilaa isbuucii hore, dhaawac bawdada ah ayuu qabaa shaki ayaana la gelinayaa.

Xiddiga weerarka Stoke ee Jon Walters ayaa dib uga soo laaban doona dhaawac canqowga ah, laakiin goolhaye Jack Butland ayaa weli sii maqnaan doona.

Xogta kulankaan.

*40 sano ayaa kasoo wareegtay markii Man United Old Traffordd guuldaro uga qaabishay Stoke City, markaas 1:0 ayaa lugu cabay waxayna ahayd April 1947.

*Stoke City ayaa guulaysatay keliya shan ka mid ah 43-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay Man United banaanka kula soo ciyaareen.

*Shayaadiinta Cas Cas ayaa 15 jeer dhibcaha qaadatay 16- ka mid ah kuwii ugu dambeeyey tartamada oo dhan halka kulanka haray bareejo ka heleen.

*Rooney ayaa afar gool ka dhaliyey Stoke City sadexdii kulan ee ugu dambeeyey ee uu Old Trafford kula ciyaaray