Animation

HORUDHACA Kulanka Xiisaha Badan Ee Borussia Monchengladbach VS Barcelona (Saxaafadu Kulankan maxay ka tiri???)

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 5:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxda Macalin Luis Enrique ayaa dooneysa inay sii wadato guuleheeda kulamada Champions League marka ay caawa soo la ciyaarayaan kooxda reer Germany ee Borussia Monchengladbach.

Barcelona waxaa kulankaan ka maqan Lionel Messi oo kooxdaan seddex todobaad dhaawac kaga maqnaandoona sidoo kale Umatiti ayaa isna dhaawacan.

Kooxda Barcelona ayaa kulankeeda koowaad ee Champions League ku bilaabatay si wanaagsan kadib markii ay 6 gool kasoo dhaliyeen kooxda Celtic ,laakiin Borussia Monchengladbach waxaa ay guuldaro kala kulanta kooxda Guardiola ee Manchester City.

Xaqiiqooyinka Kulankaan.

Kooxda Borussia Monchengladbach ayaa wajeheeysa Barcelona markii ugu horeeysa marka la fiiriyo tartamada yurub.

Borussia Monchengladbach ayaa sii ordeeysa 13 kulan oo ay garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha reer Spain  iyadoo aan shabaqeeda xitaa kulan gool ka ilaashan.

Rikoorka ay kooxda reer Germany ka heeysata kooxaha Spain waa lix guuldaro iyo laba bar bar dhac,waxaa jirta in hal kulan ay Sevilla ka badiyeen November 2015.

Barcelona ayaa ku guuldreeystay inay badiso seddexdii kulan ee ugu dambeeysey ay la dheeshay kooxaha reer Germany,waxaana ay bar bar dhac gashay hal jeer, halka laga adkaaday laba kulan.

Kooxda reer The Catalan ayaa guuldaro la’aan ah shantii kulan ee ugu dambeeyse Champions League ay banaanka kusoo dheeshay.