Animation

HORUDHACA Kulanka Xiisaha Badan Ee Arsenal Vs Basel (Maxay Saxaafadu Kulankan Ka Yiraahdeen???)

no responses
Wednesday September 28, 2016 - 5:17 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kooxda Arsenal oo ku faraxsan natiijadii todobaadkaan ee London Derby ayaa la dheelidoonta kooxda Basel.

Wengar ayaa guul muhiim ah gaaray todobaadkaan maadaama ay ku beegneeyd sanadguuradiisa 20aad markii uu qabtay kooxda Gunners laakiin lama oga waxa uu caawa la kulmidoono.

Xidigo uu kamid yahay Ozil ayaa laga yaabaa in lanasiyo si lamid ah Sanchez kuwaasi oo todobaadkaan dagaalameen , goosha waxaa la rajeeynayaa Ospina.

Xaqiiqooyinka Kulankaan.

Waa Markii ugu horeeysey ee tartan caalami ay ku kulmayaan Arsenal & kooxda Basel.

Arsenal ayaa badisay dhamaan afartii kulan ee ay wajahday tartankaan kooxaha ka socda wadanka Swiis-ka ,waxaana ay ka dhalisay 8 gool ,halka dhankeeda laga dhaliyey hal gool oo kaliya.

FC Basel ayaa kaliya laga adkaaday hal jeer oo kamid ah 10-kii kulan ee Champions leagye ay la dheeshay kooxaha England , afar jeer waa ay badisay , shana bar bar dhac.

Kooxda kaliya ee England ka badosay Basel waa Manchester Utd ciyaar dhacday sanadii 2002.

Basel ayaa xaqiiqda guuldaro la’aan xitaa marka la fiiriyo kulamada banaanka marka ay kula kulmeeyso kooxaha England,waxaana ay badisay hal jeer, afarna bar bar dhac.

Basel sidoo kale kuma guuldareeysan inay gooldhaliso 10-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League ay la dheeshay kooxaha England.