Animation

HORUDHACA Kulanka Aadka U Adag Ee Barcelona Vs Atletico Madrid (Maxay Saxaafadu Ka SOo Calaamadeysey???)

no responses
Wednesday September 21, 2016 - 5:35 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Barcelona ayaa kulanka ugu adag xili ciyaareedkaan La Liga ku wajaheysa caawa kooxda Atletico Madrid, labada dhinac ayaa raadineya inay soo yareyaaan farqiga hogaanka horyaalka ay kaga heyso kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Barcelona ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu horeysay horyaalka iyadoo khasaare lama filaan ah kala kulmay kooxda Alaves horaantii bishaan.

Luis Enrique ayaa heysta koox taam ah oo uu soo xusho kulanka Atletico Madrid caawa kusoo marti doonto garoonka Camp Nou.

XAQIIQADA KULANKAAN.

Atletico ayaa shabaqa ilaashatay 8 ka mid ah 10 kulan ee ugu danbeyay Horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa badisay 8 ka mid ah 9 kulan ee ugu danbeyay La Liga.

Barcelona ayaan laga badinin 15 kulan ee ugu danbeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaaartay Atletico tartamada oo dhan.

Atletico ayaan laga badinin 11 ka mid ah 12 kulan ee ugu danbeyay La Liga.

SHAXDA MACQUULKA AH

Barcelona Lineup (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Messi, Suarez, Neymar

Atletico Madrid (4-4-2): Oblak; Juanfran, Godin, Gimenez, Luis; Koke, Saul, Gabi, Gaitan; Gameiro, Griezmann