Horjoogihii Alshabaab u sahmin jiray Qaraxyada Muqdisho oo Maanta la toogtay

0

Abuukar Shaacir waa 41 jir Shabaab u qaabilsanaay sahminta goobaha ay qaraxyada ka fuliyaan ee Magaalada Muqdisho.

Maanta ayaa dil toogasho ah lagu fulay sanad kadib markii ciidamada ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen.

Goobaha lagu eedeeyay in uu soo sahmiyay qaraxyana ay ka dhaceen waxaa kamid ah,

Wuxuu maleegay dhowr qaraxyo ah oo sanadkii 2017 ka dhacay muqdisho oo ay kamid yihiin qaraxii ka dhacay afaafka hore ee Hotel Wehliye, halkaasoo ay ku geeriyoodeen 10 ruux, kuna dhaawacmeen 17ruux oo kale.

Qaraxii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeeda Wazaarada sportiga halkaasi oo ay ku nafwaayeen 9 ruux, kuna dhaawacmeen dad ka badan 10 ruux oo shacab ah.

Wuxuu kaloo kaalin muhiim ah kulahaa qaraxii 08/05/2017, ka dhacay Baar Italia kaasi oo ay ku nafwaayeen 7 ruux ayna ku dhaawacmeen dad ka badan 11 ruux.

Ugu dambeyn dagmada xamar-weyne ayaa lagu qabtay xili uu gaari waxyaabaha qarxa laga sol buuxiyay uu ku qarxiyay nawaaxiga Halka loo yaqaan Eenaayo, Maanta oo taariikhdu ay tahay 24ka Bisha 12-aad ayaana dil toogasho ah lagu fuliyay.