Animation

Horjooge Al-shabaab ah aadna loo raadin jiray oo gacanta lagu dhigay…[MAGACIISA]

no responses
Friday September 9, 2016 - 6:52 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida lagu qoray Warbaahinta dalka kenya Warbixin ay baahiyeen Saraakiisha ciidamada Amaanka dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragii caawin jiray maleeshiyaadka Al-shabaab isla markaana xubin ka ahaa garabka Kooxda uga howlgasha Magaalo xeebeedka Kawale.

Saraakiishu waxa ay sheegen in Ninkaasi lagu magacaabo Mwandego Maxamed ay muddo farabadan ku howlanaayen sidii lagu qaban lahaa, balse ay iminka ku guuleysteen gacan ku dhigidiisa, sida lagu sheegay warbixin ay baahiyeen Saraakiisha.

Saraakiisha Booliska waxa ay sidoo kale sheegen in ninkaani lagu xiray Xabsiga weyn ee magaalo xeebeedka isla markaana baaritaano dheer kadib loo gudbin doono Xabsiga magaalada Nairobi si halkaasi looga sii gudbiyo Maxkamada.

Booliska Kenya ayaa xusay in Mwandego Maxamed la rumeysanyahay in uu ka tirsnayahay dagaalyahano Al Shabaab ah oo dib ugu soo laabtay Kenya isla markaana qorshenaya weeraro Argagixiso oo ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi.

Dowlada Kenya ayaa wada howlgalo lagu baacsanaayo maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo qabqabto dagaalyahaano dhowr ah oo Kooxda ka tirsan.