Animation

Hordhaca Kulanka XIisaha Badan Ee Real Madrid Vs Espanyol (Maxay Kulankan Saxaafada Ka Tiri???)

no responses
Sunday September 18, 2016 - 6:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Espanyol ayaa la ciyaari doonta kooxda Real Madrid kulan katirsan Horyaalka La Liga iyadoo kooxda martida loo yahay ay rajeyneyso in ay hesho guusheedii ugu horeysay xilli ciyaareedka.

Espanyol ayaa ku bilowday si aad u liita xilli ciyaareedkaan, iyagoo kaliya 2 dhibcood ka helay seddexdii kulan ee furitaanka Horyaalka.

guuldaradii kulankii Sevilla waxaa u xigay laba barbaro oo isku xigta oo ay la galeen kooxaha Malaga iyo Real Sociedad.

Quique Sanchez Flores kooxda uu hogaamiyo ayaa heysta koox taam ah iyadoo aanu jirin wax ciyaartooy ah oo shaki laga muujinayo.

MAXAA KA CUSUB KULANKA

Los Blancos ayaa ku bilaabatay xilli ciyaareedkan si wanaagsan iyadoo Zinedine Zidane uu doonayo inuu hogaanka sii dheereysto marka uu wajahyo kooxda Espanyol Isbuucaan.

Real Madrid ayaan ku guuleysan horyaalka tan iyo waayihii Jose Mourinho lakiin xilli ciyaareedkan ayay rajo wanaagsan muujinayaan.

Waxa ay badisay dhamaan kulamadii xili ciyaareedkaan tartamada oo dhan kasoo muuqdeen, waxaana ay hogaaminayeen Horyalka ka hor guushii Barcelona.

Marka la eego qaab ciyaareedka Espanyol Real Madrid ayay u badan tahay in ay heli karto guulo raaxo leh.

Zinedine Zidane ayaa dib u helaya Seddexda ciyaaryahan ee Keylor Navas, Fabio Coentrao iyo Isco safarka uu ku tagayo magaalada Espanyol.

SHAXDA MACQUULKA AH

Espanyol (4-4-2): Roberto; Lopez, Reyes, Duarte, Sanchez; Perez, Lopez, Fuego, Piatti; Moreno, Baptistao

Real Madrid (4-3-3): Casilla; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Casemiro, Kroos, Modric; Ronaldo, Benzema, Bale