Animation

HOLLAND: HAMBALYO LOO DIRAYO WARIYE ABDIRAHMAN IYO XAASKIISA YASMIIN AHMED BULXAN.

no responses
Tuesday September 1, 2015 - 5:56 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Waxaa xaflad Aroos aad u qiimo badan ay ka dhacaday magaalada Beverwijk ee wadanka Holland, xafladaan ayaa waxaa ay aheed arooska wariye Abdirahman Nuur Abukar iyo Aroosada Yasmiin Ahmed Bulxan kaa oo ahaa mid cajiib ah.

Waxaa kasoo qeeyb galay dad aad u fara badan oo uu kamid ahaa Safriirka Dowlada Federalka ah ee Somalia u fadhiya Midawga Yurub Dr Ali Said Fiqi, Wariyayaal Fanaaniin iyo Marti sharaf kale oo ka socotay bulshada qeeybaheeda kala duwan.

Xaflada ayaa waxaa daadihinayay labada wariye Abdirahman Suubiye iyo Fardowsa Abdulle oo aad ugu haqabtiran xeriirinta u dhaxeeysa fanaaniinta faraha badnaa ee goobta ka heesayay kuwaa oo ay ka muqudeen fanaanada marna ah wariyaha hore Laki Xaaji Waceeys , Mohamed Weerow iyo fanaaniin kale.

Dadkii kasoo qeeyb galay ayaa waxaa cajib geliyay laba dhacdo oo goobta lagu soo bandhigay ayaa tan koowaad waxa ay aheed in gabadha Aroosada Yaasmiin Ahmed Bulxan uu walaalkeed ka yarAbdiqaadir Ahmed Bulxan uu ku soo dhaweeyay markii ay Arooska iyo Aroosada ay soogalayeen hees aad u macaan oo weliba sida lasheegay uu erayada isagu sameeyay.

Dhanka kale dhacdada labaad ee aadka ay ula yaabeen dadkii kasoo qeeyb galay ayaa waxa ay aheed Arooska oo lagu ogaa kaliya dhanka saxaafada Abdirahman Nuur Abukar ayaa waxa uu goobta ka qaaday hees ammaan ah oo uu xaaskiisa ugu tala galay taas oo ay dadkii goobta joogay aad ay ula yabeen ayna noqotay in dad badani ay doonayan in ay ku daydaan oo ay arooskooda ka heesan.

Nuur

Sidoo kale waxaa Goobta soo buux dhaafiyay Wariyayaal fara badan oo ay qaarkood ka yimaadeen dalalka kala duwan iyo qaar ka socday dalkan Holland ay soo buuxdhaafiyeen oo iyagu nafsad ahaantooda ay hees u qaaday Fanaanada Laki Xaaji waceeys halkaana goobta loo baneeyay Wariyayaasha iyo Arooska iyo Aroosada kaliya waxa ayna soo bandhigeen dheel aad u wanaagsan oo dadkii daawaday ay isku gaabsanayeen hadalo ah war wariyaasha caadi mahan waaba wariyaal iyo fanaaniin isku jiran taaso oo ay kaga gol leeyihiin Laki Xaaji waceeys oo ahaad Wariye.

Dhamman shaqaalaha iyo Maamulka warbaahinta Xaqiiq Media waxa ay Hambalyo u diraya Lammanaha is calmaday ee kala ah Abdirahman Abuukar Nuur iyo Yasmiin Ahmed Bulxan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO HEES UU U QAADAY XAASKIISA WARIYE ABDIRAHMAN ABUKAR NUUR

 

 

Xigasho: Xaqiiqmedia.com

Facebook Comments