Hogaamiyaha Galmudug Xaaf oo War deg deg ah kasoo saaray Inuu Baaqday Safarkii MD Farmaajo ee Cadaado & Gaalkacyo

no responses
Friday January 12, 2018 - 10:49 under Breaking News by admin
mqdefault
Spread the love

Xili sacaadihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in safarkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi lahaa Cadaado iyo Gaalkacyo uu baaqday ayaa waxaa arintaas si deg deg ah uga hadlay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf.

safarka madaxweynaha ee Galmudug uu ku sinaan doono magaalada Dhuuso-mareeb, laakiin, Hogaamiye Xaaf ayaa arintaas beeniyay.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho todobaad qaadatay ku jooga deegaanada Puntland ayaa ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo uu shalay gaaray.

Madaxweynaha ayaa maalinimada Isniinta ah tagaya Magaalada Cadaado oo Xarun Kumeel gaara u ah Maamulka Galmudug sida uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geele Xaaf.

Xaaf oo wariyayasha kula hadlay garoonka Cadaado ayaa usheegay in safar dhanka dhulka ah Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku iman doonaan Cadaado, Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweynaha inuu soo mari doono Degmooyinka Gaalkacyo, Dhuusa-Mareeb iyo Cabudwaaq.

Xaaf ayaa bidhaamiyay in muhiimada ay tahay sidii Madaxweynaha loo soo tusi lahaa saameynta abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug, sidoo kale soo arko burburka ka jira wadooyinka Galmudug, uuna kala shaqeeyo Galmudug sidii ay ula tartami leheyd Maamulada kale ee dalka Kajira.

Waxa uu tilmaamay in mudo ku siman bil uu sugayay Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagayo qeybo kamid ah Deegaanada Maamulka Galmudug, Shacabka ayuu faray iney udiyaar garoobaan soo dhaweynta Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Facebook Comments