Hirshabeelle oo Xil uusan Raali ka aheyn u magacoowday 16-Jir Iskuul ka dhigta Dagmada Jowhar.

0

Feysal C/llahi Cumar waa Wiil 16 sano jir oo ku nool Magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellada dhexe wuxuu dhigta dugsiga sarre fasalka afarraad ee iskuulka sheekh xasan barsane waxaana marqura uu maqlay in loo magacaabay xil culus oo aan lagu soo wargalinin.

Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka hirshabeelle ayaa wareegto ay soo saartay ugu magacowday feysal C/llahi cumar Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Deeganka Gamboole oo dhawaan alshabaab lagala wareegay balse ay ciidamadii la wareegay dib uga soo baxeen.

Feysal ayaa sheegay in Ugaaska Beesha uu u yimid aabihiis, kuna wargeliyay inuu ka soo qeyb galo siminaar, intaas kaddibna uu aabihii u diray siminaarkaas, balse markii dambe uu ka war helay in loo magacaabay xilka Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ee Gamboole.

Faysal oo la yaaban xilka culus ee loo magacaabay isagoo aan ka warqabin ayaa durbaba bilaabay in uu warbaahinta la xidhiidho isagoo ka horyimid xilka loo magacaabay sababo la xiriira da’diisa oo aad u yar iyo ammaankiisa oo uu u baqay.

Maadama uusan weli dhameyn dugsiga sarre welina uu yahay da’yar ayuu sheegay in uusan xiligaan diyaar u aheyn xil maamul in loo magacaabo.

Deegaanka Gamboole oo Ka Tirsan Gobolka Sh/dhaxe ayaa Magaalada Jowhar u jirta qiyaastii 50-KM Dhanka Galbeed, Waxaana Dhawaan La wareegay Ciidamada Dowlada Soomaaliya, Inakstoo markii dambe ay Dib ayay uga Soo Laabteen.